Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay geeridii Nabaddoon Cilmi Guure ee la dilay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Hiiraan iyo guud ahaan Hirshabeelle, geerida ku timid Nabaddoon Cilmi Hagar Guure.

Madaxweynaha ayaa xusay in sida uu uga dhabeeyey Nabaddoon Cilmi halgankiisa iyo oraahdiisii ahayd in uu dalka ka xoreeynayo Al-shabaab ama uu shahiidayo isagoo dagaal kula jira Al-shabaab, ay muujinayso in waxgaradka, Ciidamada Qalabka Sida iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ay maanta ka go’an tahay xoreynta dalka.

“Nabaddoon Cilmi Hagar waxa uu lahaa labo himilo oo aad u weyn, labadiiba waa ku guuleystay. In uu deegaankiisa xoreeyo iyo in uu u shahiido isagoo dalkiisa difaacaya. Waxa uu tusaale u yahay sida halgankani uu uga dhab yahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan Kumanaan la mid ah Nabaddoon Cilmi, kuwaas oo hadda u wada taagan in ay dalka ka sifeeyaan Shabaabka, deegaan kastana kaga kici doonaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle u waydiiyey naxariistiisa Janno Nabaddoon Cilmi Hagar Guure, dhammaan halyeeyada Ciidamada Qalabka Sida iyo Halgemyaasha xaq u diririka ah ee ku dhintay howlgallada xoreynta dalka ee maalmahan socda, waxa uuna u rajeeyey qoysaska iyo qaranka Soomaaliyeed ee ay ka baxeen samir iyo iimaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor