Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay geerida Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somalia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska iyo qaraabada uu ka baxay Alle ha u naxariistee marxuum Xildhibaan Maxamuud Maxamed Seysey.

Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Maxamuud Maxamed uu door weyn ka soo qaatay u adeegidda shacabka Soomaaliyeed, madaama uu muddo dheer ka mid ahaa xildhibaannada Golaha Shacabka.

“Inna lillaahi wa inna ilayhi raajicuun, Alle ha u naxariisto marxuum Maxamuud Maxamed Seysey, oo ka mid ahaa Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BJFS, waxa uu  kaalin mugleh ka soo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Alle uga baryey marxuumka in uu hoygiisa ka yeelo Janatul Fardowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyees ee uu ka geeriyooday.

Marxuum Maxamuud Maxamed Seysey ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku xanuusanayay magaalada Muqdisho, isagoo xanuunkii haayay  uu u geeriyooday, Qabuuro ku yaalla Muqdisho ayaa lagu  aasi doonaa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor