Ilaa 8 Diyaaradood oo maalin kasta ka hinqada Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho ayaa waxay Duullimaad Toos ah ku tagaan magaalladda Cadaado oo Caasimad KMG u ah Dowlad-gobaleedka Galmudug.
Weriye ka tirsan Radio Dalsan oo u kuur-galay Duullimaadyadaasi ayaa sheegay inay Mas’uuliyiinta Shirkadaha Diyaaradaha iyo kuwa Garoonka Aadan Cadde u xaqiijiyeen inay Duullimaadyada Diyaaradaha isaga kala goosha Goballadda dalka ugu badan yihiin Diyaaradaha tooska u taga Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Cadaado.
Siyaasiyiinta iyo Musharixiinta Doorashooyinka ayaa si gaarka ah u kireysta Diyaaradaha maalin kasta u socdaala magaalladda Cadaado oo ay xilligan ka socdaan Dhaqdhaqaaqyo Siyaasadeed oo lagu xulayo Musharixiinta Galmudug uga mid noqon doona Xilddhibaanadda Aqalka Sare ee Barlamaanka Federalka.
Musharax kasta ee ka soo jeeda Beelaha wada deggan Goballadda hoos taga Maamulka Galmudug, isla markaana Rajo Siyaasadeed ka qaba Doorashadda soo socota ayaa Kharaj badan ku bixiya sidii Odayaasha Dhaqanka iyo Taageerayaashiisa ku sugan Muqdisho ugu kaxayn lahaa magaalladda Cadaado si ay uga taageeraan Ololaha lagu xulayo xubnaha Galmudug uga mid noqonayo Aqalka Sare ee Barlamaanka.
Inta badan Siyaasiyiinta Reer Galmudug ayaa haatan buux dhaafiyey magaalladda Cadaado, kuwaasi oo xodxodasho iyo xoolo badan ku bixinaya sidii ay uga mid noqon lahaayeen Musharixiinta loo xulayo Aqalka Sare.
Dhinaca kale, Shirkadaha Diyaaradaha ee macaasha ka hela Duullimaadyadda maalin kasta ku sii qulqulayo magaalladda Cadaado ayaa sheegay inay celcelis ahaan 50 Duullimaad isbuuc kasta u ambabaxaan magaalladda Cadaado, iyadoo Tikidhka qofkiiba ee halka Safar (One way Ticket) gaarayo 160-Dollar.
©Radio Dalsan