Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay xiritaanka kulan Baydhabo ay ku yeesheen Madaxda Maamul Goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle, waxaana uu sheegay in ay jiraan arrimo badan oo kallifay in Shirkii Dhuusamareeb laga tago Madaxweynayaasha Jubbland iyo Puntland.
Eed xooggan ayuu usoo jeediyay mas’uuliyiintii ka maqnaa Shirkii Dhuusamareeb3, waxaana uu sheegay in Axmed madoobe iyo Siciid Cabdullaahi Deni aysan doonayn xal rasmi ah oo laga gaaro aayaha dalka, waxaana uu ku eedeyay in aysan ku qanacsanyn waxii kasoo baxay shirkii ay ka maqanaayeen ee Dhuusamareeb, sdidoo kale waxaa uu sheegay in aysan doonayn in ay soo xaadiraan shirkii la doonayay in go’aan looga garo arrimaha doorashooyinka ee Dhuusamareeb-3.
Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in ay isku dayeen wax waliba oo ay Dhuusamareeb ku keeni lahaayeen labada Madaxweyne ee Axmed Maxamed Islaam Axmed madoobe iyo Siciid cabdullaahi Deni, waxaa uu sheegay Waare in ay u mareen dhowr meelood si ay u keenaan labada Mas’uul.
Odayaasha dhaqanka labada dhinac, madaxweynayaal hore iyo waxgarad ayuu sheegay in ay la xiriireen si ay Shirkii Dhuusdamareeb3 u keenaan Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Siciid Cabdullaahi Deni, balse waxaa uu sheegay in ay u suurta gali weysay arrintaasi.
Madaxweyne Waare ayaa wax laga xumaado ku tilmaaamay tallaabada Jubbaland iyo Puntland ay ku dalbaden in gogoshii Dhuusamareeb Meel kale loo wareejiyo, waxaa uu sheegay in laga wanaagsana tallaabadaas ay qaadeen labada dhinac, waare wxaa uu intaas ku daray in loo baahan yahay in labada madaxweyne ay keenaan Gogol ay isku raacsan yihiin, waxaana uu sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin wax waliba oo ay danta dalka iyo dadka ku jirto ee ay soo jeediyaan Axmed Madoobe iyo Deni.
Waare ayaa caddeeyay in madaxda ku kulantay Baydhabo ay ka midaysan yihiin wax waliba oo xal u noqon kara doorashooyinka iyo sidoo kale xaaladda siyaasadeed cakiran, waxaana uu sheegay in tanaasul iyo xal raadin ay ka shaqayn doonaan.