Waxaa goordhow Qarax xoogan laga maqlay qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya gaar ahaan agagaarka Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya.
Qaraxa ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, iyadoona la sheegay inuu ku qarxay meel aan sidaas uga fogeyn Maqaayada caanka ah ee Blue-SKY.
Uuro iyo qiiq madow ayaa cirka shareeray, taasi oo laga arkayay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana xaalad cakarin ay ka jirtaa aaga qaraxu ka dhacay.
Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa buux-dhaafiyay goobta, waxaana la maqlayaa dhawaqa rasaas ay ridayaan Ciidanka, waxaana la xiray gabi ahaan waddooyinka halkaas gala iyo kuwa kabaxa.
Ilaa iyo hada lama Oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxaasi ka dhacay Magaalada Muqdisho.