Madaxweynaha Maamulka K/Galbeed, ahna Musharax Madaxweyne Qaran, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa la sheegay inuu hakiyey Doorashadda Musharixiinta xubnaha K/galbeed ee Aqalka Hoose ee Barlamaanka soo socda.
Tallaabadan ayaa la sheegay inuu qaatay kadib, iyadoo ay qaar ka mid ah Ergooyinka wax dooran lahaa Diyaarad la’aan darteeda ugu xayiran yihiin magaalladda Muqdisho.
QM iyo Guddiga Doorashadda ayaa u xil-saaran inay Ergooyinka u fududeeyaan sidii ay u gaari lahaayeen Xarumaha Maamul-gobaleedyadda ee ay Doorashooyinka ka socdaan.
Qaar ka mid ah Musharixiinta K/Galbeed iyo Ergooyinkooda ayaa mar hore gaaray magaalladda Baydhabo, waxayna Musharixiintaasi jeebkooda ka bixinayaan Kharajka Ergooyinka iyaga soo dooran lahaa.
Musharax kasta waxa laga doonayaa 51- Ergo oo ay isku hayb yihiin, kuwaasi oo loo oggol yahay inay noqdaan Cod-bixiyayaal.
Si kastaba ha ahaatee, 135-ka Oday Dhaqameed ee matalayo dhamaan Beelaha Soomaalida ayaa soo xula Ergooyinkaasi u codeynaya Musharixiinta.
©Radio Dalsan