Qorshihii la filayey inay Ergooyinka ka soo jeeda Beelaha wada deggan W/galbeed Somalia ay Muqdisho ku doortaan xubnaha uga mid noqon lahaa Labada Aqal ee Barlamaanka soo socda ayaa u muuqda mid sii shiiqmayo
QM ayaa horey u shaacisay inay Ergooyin ka soo daabuli doonaan Goballadda hoos taga Maamulka Somaliland, si ay uga mid noqdaan Ergooyinka Beelaha ee u codeyn doona 40-ka Xildhibaan ee ay ku yeelan doonaan Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka ee soo socda.
Toddobaadkii hore ayaa la iclaamiyey inay Doorashadda Ergooyinka ka soo jeeda Somaliland ka dhici doonto Xarunta Gaadiidka Boliska ee Degmadda C/casiis ee magaalladda Muqdisho, balse ma jiraan Dhaqdhaqaaqyo muujinayo in loo diyaar-garoobay Doorashadaasi.
Waxaa kaloo adag in Muqdisho laga helo Ergadda dooran doonta 40-ka Xildhibaan, iyadoo Xildhibaan kasta loo baahan yahay inay u codeeyaan 51-Ergo.
Celcelis ahaan waxaa loo baahan yahay ilaa 2,000 oo Ergay, si ay u soo xushaan Musharixiinta ku tartami doona Labada Aqal ee Barlamaanka Federalka.
Guddiga Federalka ee Doorashadda ayaa dadaal ugu jira sidii loo heli lahaa Kooram Ergooyinka dooran lahaa Xildhibaanadda Somaliland uga mid noqon doona Barlamaanka Federalka ee soo socda.
Siyaasiyiinta iyo Salaadiinta Beelahaasi ee ku sugan magaalladda Muqdisho ayaa isbuucii hore rajo ka muujiyey inay dooran Xildhibaanada u matali lahaa Labada Aqal ee Barlamaanka soo socda.
Musharixiinta Siyaasiyiinta ee xilalka Qaran ka haya Dowladda Federalka ayaa la sheegay inay ka fekerayaan Tallaabadda kale ee la qaadi doono si loo helo Xildhibaano Beelaha wada deggan Goballadda W/galbeed Somalia uga mid noqda Barlamaanka soo socda.
Si kastaba ha ahaatee, xaalladda ayaa haatan u muuqata mid aysan farri ka qodnayn, mana kala cadda qaabka loo xeerin doona Doorashadda iyo Ergadda loo idman doono.
©Radio Dalsan