Madaxweyne Saciid Deni oo soo saaray xeer cusub & magacaabisna sameeyay

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray xeer Madaxweyne Lr. 23 ee 27-da April 2023, kuna saabsan dhismaha Xafiiska Arrimaha sharciga ee Madaxtooyada.

Madaxweynaha Maamulka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Puntland, qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waayo-araginmadooda shaqo

Markuu arkay: Baahidda loo qabo Horumarinta Arrimaha Sharciga ee Madaxtooyada

Wuxuu Xeeriyey:

1- Waxaa la Aasaasay Xafiiska Arrimaha Sharciga ee Madaxtooyada Puntland.

2- Waxaa Maxamuud Xassan Aw Yuusuf loo magacaabay Madaxa Xafiiska Arrimaha Sharciga ee Madaxtooyada Puntland

3- Waxaa Nuur Ciise Maxamed loo magacaabay Ku-xigeenka Madaxa Xafiiska Arrimaha Sharciga ee Puntland

4- Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor