Ciidanka Somaliland oo Maanta madaafiic ku garaacay Laascaanood + Sawirro

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya madaafiic culus oo Maanta ciidanka maamulka Somaliland ay ku garaaceen gudaha magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, waxaana ka dhashay khasaaro burbur ah oo gaaray guryo iyo dhismayaal kale.

Ciidanka Somaliland ee ku sugan aaga goojacadde ayaa duhurnimadii maanta dhowr madfac kusoo tuuray Laascaanood, kuwaasi oo qaarkood ku dhacay guryo iyo dhismayaal kale, isla markaana gaarsiiyay burbur xooggan.

Dadka degan magaalada ayaa bilaabay in ay gabaad raadsadaan marka ay madaafiicda bilowdeen, duqeyntan imaaneysa xilli uusan jirin dagaal toos ah oo u dhaxeeya maanta ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka SSC.

Sawirro laga soo qaaday dhismayaasha ay ku dhaceen madaafiicda ayaa muujinayay baaxada khasaaraha hantiyadeed ee ka dhashay, dhanka kale illaa iyo hadda lama soo warin khasaaro nafeed oo geysteen madaafiicda lagu garaacay Laascaanood.

Ciidamada maamulka Somaliland oo ku sugan duleedka Laascaanood ayaa inta badan looga bartay in madaafiic kusoo garaacaan magaalada, xilliyada ay dagaalada socdaan, lamana oga duqeyntan maanta geesteen waxa keenay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor

Leave a Reply