Madaxweyne Saciid Deni oo kulan la yeeshay Duqa Muqdisho

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho ku qaabilay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed “Cumar Filish”.

Guddoomiye Cumar Finish ayaa Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ku bogaadiyey doorkii muhimka ahaa ee uu ka qaatay in la go’aamiyo doorashada dalka ka dhaceysa dhammaandka 2020/2021.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay maamulka Gobolka Banaadir iyo dadweynaha Muqdisho soo dhoweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa, xili ay soo gaareen Caasimadda dalka.

“Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud “Filish” oo booqasho iigu yimi, waxaan uga mahadceliyay sida ay maamulka Gobolka iyo dadweynaha reer Muqdisho noo soo dhoweeyeen” ayuu yiri Saciid Deni.

Guddoomiye Cumar Finish ayaa habeen hore kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, iyagoo ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, marxalada kala guurka ah iyo hormaradii ugu dambeeyay ee Caasimadda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media