Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo dib ugu laabtay Baydhabo

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayay oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Muqdisho ayaa gelinkii dambe ee Maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo.

Madaxweyne Lafta-gareen iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, isaga oo ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay .

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa Magaalada Muqdisho uga qeyb galay shirkii wadatashiga ahaa ee Madaxweyne Farmaajo, Madaxweyneyaasha maamul goboleedyada iyo Guddoomiyaha ay heshiiska uga gaareen Doorashada dalka.

Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa intii uu ku sugnaa Caasimadda dalka waxaa kulamo kala duwan la qaatay Madaxda ugu sarreeysa ee dowladda Federaalka, Xildhibaano, Wasiiro, Madaxweyneyaashii hore ee dalka, siyaasiin iyo  xubno kale.

Waxaa kaloo uu la kulmay Madaxda maamul Goboleedyada, iyagoo ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo wadashaqeynta dhex-dooda ah, isla markaana xaliyay dhammaan khilaafyadii ka dhex-jiray.

Cabdicaiis Lafta-gareen oo warbaahinta la hadlay ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uga mahadceliyay tanaasulkii uu u muujiyay Maslaxada dalka iyo tan shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena u mahadceliyay Madaxda maamulda dalka.

Comments
Loading...