Madaxweynaha dalka Raashiya, Valadamir Putin waxa uu Khadka Telefoonka kula hadlay dhigiisa dalka Tajkistaan, Emomali Rakhmoon, iyagoo isla eegay Xaalladda Xuduudka Tajakistan la wadaago dalka Afganistaan.
Madaxweyne Putin waxa uu ballan-qaaday inuu dhanka Ammaanka ka taageeri doono Tajakistaan, si looga hortago Khatarta Kooxda Daalibaan ku hayso Ammaanka dalkaasi.
Ballanqaadkaasi ayaa yimid, kadib, markii ay in ka badan Kun Askarta Dowladda Afganistan ay saakayto oo Isniin ah ka gudbeen xuduudka Tajakistaan, kadib, markii ay ka soo firxadeen gulufka colaadeed ee Kooxda Daalibaan.
Dhinaca kale, Guddiga Ammaanka Qaranka ee dalka Tajakistan waxay sheegeen inay 1,073 Askarta Dowldda Afganistan ka soo gudbeen Xuduudka, si ay naftooda u badbaadiyaan.