Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-286/032019, uu Xilka qaadis, Magacaabid iyo Isku-beddel ku sameeyey xubno ka mida maamulkiisa xukuumadda.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Ujeeddo: Xil Ka-qaadista Wasiiradda
Ku: Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax Diiriye (Guri Barwaaqo);
Wasiirkii Hore ee Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka
Ku: Ciise Axmed Yuusuf Cabdalle;
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga
ku: Maxamed Muuse Abees
Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka
Mudanayaal,
Sida aad la socotaan, xilkan ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen ee kala ahaa:
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.
Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka.
Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.