Madaxweyne ku xigeenkii Gambia oo geeriyooday

Madaxweyne ku xigeenka Gambia, Badara Alieu Joof ayaa ku geeriyooday dalka Hindiya, sida uu shaaciyay madaxweyne Adama Barrow.

Badara Alieu Joof ayaa maalmo yar xanuunsanaa inkasta uusan madaxweyne Barrow xaqiijin in Hindiya uu xaalad caafimaad u joogay.

Madaxweyne ku xigeenka Gambia in muddo ah laguma arkin fagaraayaasha, sida uu kusoo warramayo weriyaha BBC ee ku sugan caasimadda Banjul.

Madaxweyne Barrow ayaa madaxweyne ku xigeen usoo xushay doorashadii uu ku guuleystay markii labaad bishii December 2021-kii.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor