Wiil uu dhalay madaxweyne Afrikaan ah oo la xiray kadib markii uu iibsaday diyaarad qaranku leeyahay

Wiil uu dhalay madaxweynaha dalka Equatorial Guinea ayaa la xiray kadib markii looga shakiyay in uu si sharci darro ah u iibsaday diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha qaranka.

Warbaahinta dowladda ayaa ku warrantay in Ruslan Obiang Nsue lagu tuhmay in diyaarad qaadda 74 qof uu ka iibsaday shirkad laga leeyahay jasiiradaha Canary.

Baaritaan ayaa la sameeyay sanadkii lasoo dhaafay markii la waayay diyaaradda xilli dayactir joogta ah looga sameynayay dalka Spain.

Eedeysanahan ayaa maamuli jiray shirkadda duulimaadka qaranka ee Equatorial Guinea, oo ah dal si adag ugu jira gacanta qoyska madaxweyne Obiang Nguema oo taladad hayay 43 sano.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor