Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo shir guddoomiyay kulanka  G/Wasiirada

Madaxweyne ku xigeenka maamul Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa maanta Shir guddoomiyay shirka Golaha wasiirada ee maamulkaasi Puntland.

Waxaa madaxweyne ku xigeenku maanta Shir guddoomiyay kulanka todobaadlaha ah ee Golaha wasiirada, kaasi oo maanta looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin xaaladaha ammaanka Puntland, iydoo inta kulanku socday wax la iska weydiiyay arrimaha ammaanka.

Sidoo kale kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlay Caafimaadka, la dagaalanka maandooriyaha iyo dhismaha Goleyaasha deegaanka.

Iyadoo ay ku sugnaayeen wasiiro ay ka mid ahaayeen wasiirka caafimaad iyo wasiirro kale, kuwaas oo qayb ka ahaa shirka, akan hadlay sida loo wajihi karo xaaladaha taagan iyo waxyaabaha kale ee maanta shirka looga hadalay.

Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland ayaa ka maqan xafiiska, waxaana uu socdaal ku joogaa Koonfur Goalbeed, iyadoo uu horay uga qayb galay Shirkii lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.

 

Comments
Loading...