Maamulka G/Banaadir oo dhagax dhigay Goobo waxbaarsho iyo xaruumo kale

Gudoomiyaha Goblka Banaadir ahana Duqa magalada Muqdisho  Cumar Maxamud Maxamed (Cumar filish) Gudoomiye xigeenadiisa, Wasiir u Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Gudoomiyaha Degmada Dayniile ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay Dugsiga sare ee Qanyare oo si bilaashah wax ugu baran doonan Caruurta Degmada Dayniile.

Bulshada ku dhaqan degmada ayaa si weyn usoo dhawweyay dugsiga  sare ee laga dhaxdgigay degmada, waxaana ay sheegen dadka degmada in ay jirto baahi weyn oo ay u qabeen dugsi si bilaash ah wax loogu baro ardayda.

Dhanka kale Gudoomiye ku-xigeenada Howlaha guud iyo Amniga iyo Siyaasadda ayaa si wadajir ah u dhagax dhigay Hool loogu tala galay Shacabka Degmada Kaxda. Gudoomiye Degmada Kaxda Maxamed yuusuf iyo odayaasha Dhaqanka ayaa uga mahad celiyay maamulka gobolka Banaadir sida ay u garab Taagaanyihiin shacabka Degmada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media