Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa hoygiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Dowladda Itoobiya ee u fadhiga Soomaaliya Cabdifataax Cabdullaahi Xasan.
Kulanka dhexmaray labada Mas’uul ayaa inta uu socday looga wada hadlay adkaynta Iskaashigga u dhaxeeya Puntland iyo Itoobiya, sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Maamulka.
Madaxweyne Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Safiirka cusub ee Dowladda Itoobiya ee u fadhiga Soomaaliya Cabdifataax Cabdullaahi Xasan ayaa ka arrinsaday Iskaashigga ammaanka xuduuda dheer u dhexeysa labada Dal.
Safiirka Cabdifataax Cabdullaahi ayaa shalay gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, isagoona kulan la qaatay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, iyagoona ka wada hadlay Arrimo kala duwan.