Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Maxamed Xaniif Atmar ayaa sheegay inay Dowladiisa soo dhaweynayso Taageerada iyo Galaangalka dheeraad ee Turkiga, oo ay ku jirto Ilaalinta Garoonka Diyaaradaha ee Kaabul, marka ay Ciiddanka Isbahaysiga ka baxaan dalka Afganistan.
Wasiirka oo la hadlay Warbaahinta Turkiga ee TRT World waxa uu xusay inuu Turkiga noqon doono dalka Hoggaamiya Sugida Ammaanka Garoonka Kaabul iyo wixii la mid ah, isagoo taageero ka helaya dalalka kale ee xubnaha ka ah Isbahaysiga NATO.
Bilowgii bishan, Madaxweyne Erdogan waxa uu sheegay in la qorshaynayo inay Turkiga ilaalo ka noqdaan Garoonka Kaabul, kadib, bixitaanka Ciiddanka Maraykanka ee ku sugan Afganistan.
Erdogan waxa uu qoodobkaasi kala hadlay Dhigiisa Maraykanka, Joe Biden, inkastoo Ergayga Khaaska ee Madaxtooyada Raashiya ugu qaabilsan Arrimaha Afganistan, Zamir Kabul tilmaamay in Qorshaha Turkiga carqaladeynayo Heshiiskii ay kala saxiixdeen Dowladda Maraykanka iyo Ururka Daalibaan.