Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland oo Magacaabay Guddoomiye Degmo

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa Magacaabay Guddoomiyaha degmada Laasqoray, waana magacaabistii 2aad ee uu sameeyo tan iyo markii Madaxweynaha Maaamullkaasi Siciid Cabdullaahi Deni uu Muqdisho u soo aaday arrimo ku aaddan Olalihiisa Xilka Madaxaewynaha Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Cabdikariin Yuusuf Jaamac Guddoomiyaha degmada Laasqoray.

Hoos ka akhriso Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Karaash

Xeer Kusime Madaxweyne Lr 96, April, 25, 2022.

Kusimaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne ku xigeenka dowlad Goboleedka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka dowlad Goboleedka Puntland.

Markuu arkay: Baahida Shaqo ee jirta.

Markuu tixgeliyey:- Kartida iyo Aqoontiisa.

Wuxuu u magacaabey Cabdikariin Yuusuf Jaamac Guddoomiyaha degmada Laasqoray.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa marka uu saxiixo Kusimaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne ku xigeenka, wuuna saxiixay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor