Emmanuel Macron ayaa ku guuleystay shan sano oo dheeri ah oo uu ahaa madaxweynaha Faransiiska ka dib markii uu si la yaab leh uga guuleystay haweeneydii la tartamaysay ee Marine Le Pen, taas oo isugeyn iyana heshay saamiga ugu sarreeya ee midigta fog ee codbixinta.
Waxa uu ku guulaystay 58.55% ilaa 41.45%, waana xad ka weyn sidii la filayey.
dhanka kale Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo, ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu hambalyo ugu diray Madaxweyanaha dalka Faransiiska, Emmanuel Macron, oo ku guuleystay shan sano oo dheeri ah ka dib markii uu tartan aad la isugu dhawaa uga guuleystay haweeneydii uu culayska wayn kala kulmay ee Marine Le Pen.
Hadal hayn badan oo baraha bulshada Soomaalida ah ayaa ka dhalatay qoraalka uu Farmaajo soo dhigay bartiisa Twitter-ka oo ku qornaa luuqadda Faransiiska.
Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Faransiiska ayaa isku mid ka ah doorashada xasaasiga ah ee ay wajahayeen, mid walbana waxa uu doonayay in mar kale xafiiska uu kusoo laabto, taasi oo qudheeda qayb ka ah hadal haynta Soomaalida. 20-kii sano ee lasoo dhaafay doorashooyinkii ka dhacay dalka Faransiiska markii ugu horraysay ayaa dib loogu soo doortay madaxweynaha xilka hayay.