Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo kusii jeeda Buulo-burte + ujeedkiisa

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Daba-geed) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay ku wajahan yihiin degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan.

Ujeedka socdaalka Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle ayaa waxaa uu yahay sidii uu xariga uga jari lahaa Xarunta Taliska qeybta 27-aad ee degmada Buulo-burte uu ka daah-furi doono halkaas oo ka dhaceyso Munaasabad.

Sidoo kale Yuusuf Daba-geed ayaa inta uu joogo degmada waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Maamulka Buulo-burte, Odayaasha dhaqanka iyo Saraakiisha Ciidamada, isagoona kala hadli doona amniga iyo xaaladda guud ee deegaanka.

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa socdaalkiisa ku wehlinaya Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Maamulka, Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo Saraakiil ciidan, kuwaasi oo ka ambabixi doona Baladweyne.

Waa markii ugu horreeyay uu Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Daba-geed) safar ku tegayo degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor