Ciidanka ammaanka Maamulka Puntland ayaa xalay howlgal qorsheysan waxaa ay ka sameeyeen Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, iyagoona kusoo qab qabtay kooxo ka Ganacsada maandooriyaha Khamriga.
Ciidamada ayaa howlgalka intiisa badan ka fuliyay goobo bartilmaameed u ahaa oo looga Ganacsanayay maandooriyaha Khamriga, isla markaana waxaa sigaar ah looga fuliyay agagaarka Hotelka ee waqooyi Gaalkacyo.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka ammaanka Puntland ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka lagu beegsaday shabakado ka Gacacsada Khamriga laga keeno gudaha dalka Itoobiya, kuwaasi oo ay xuseen in dadka dhibaato ku haayeen.
Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayan in inta uu socday howlgalka ay Israsaaseyn kooban dhexmartay Ciidanka amniga Puntland iyo rag ka Ganacsada maandooriyaha Khamriga, iyagoona howlgalka lagu qabtay qaar kamid ah raggaas.
Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca Puntland ayaa waxaa horey uga dhacay howlgalo ka dhan ahaa Shabakado ka Ganacsada Khamriga, waxaana xusid mudan in Ciidanka ammaanka iyo Kooxaha hubeysan ay dhexmareen dagaalo geystay khasaaro nafeed.