Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Daba-geed) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka ambabaxay Magaalada Baladweyne ayaa waxaa ay gaareen degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan.
Madaxweyne ku-xigeenka iyo wafdigiisa oo qeyb ka ahaayeen Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Maamulka, Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Saraakiil Ciidan ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Buulo-burte.
Ujeedka socdaalka Yuusuf Daba-geed ayaa waxaa uu yahay sidii uu xariga uga jari lahaa Xarunta Taliska qeybta 27-aad ee degmada Buulo-burte uu ka daah-furi doono halkaas oo ka dhaceyso Munaasabad.
Sidoo kale Yuusuf Daba-geed ayaa inta uu joogo degmada waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Maamulka Buulo-burte, Odayaasha dhaqanka iyo Saraakiisha Ciidamada, isagoona kala hadli doona amniga iyo xaaladda guud ee deegaanka.
Waa markii ugu horreeyay uu Yuusuf Axmed Hagar safar ku tegay degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle.