Madaxweyne Joe Biden oo laga helay Kansar iyo Aqalka Cad oo ka hadlay

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa laga saaray nabar maqaarka ah bishii hore intii lagu jiray baaritaan caafimaad oo caadi ah, Aqalka Cad ayaa sidaas sheegay.

“Dhammaan unugyadii kansarka lahaa waa laga saaray, wax daawayn ahna looma baahna,” ayuu yiri dhakhtarka Mr Biden.

„Mr Biden wuxuu sii wadi doonaa la socodka maqaarka taasoo qayb ka ah daryeelkiisa caafimaad ee socda,” ayuu dhakhtarku ku daray.

Madaxweynaha, oo 80 jir ah, ayaa bishii Febraayo baaris lagu sameeyay jirkiisa, kaasoo Aqalka Cad uu sheegay in uu caafimaad qabo oo “ku habboon yahay waajibaadkiisa shaqo”.

Kevin O’Connor, oo ah dhakhtarka Mr Biden, ayaa ku sheegay qoraal uu siiyay warbaahinta Jimcihii in nabarka laga saaray laabta Mr Biden 16kii Febraayo Xarunta Caafimaadka Qaranka ee Walter Reed ee banaanka Washington DC.

Kansarka unugyada ‘basal’ iyo ‘squamous’ waa labada nooc ee kansarka maqaarka ee ugu badan gudaha Maraykanka, sida ay sheegtay Xarunta Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada (CDC).

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor