Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay howlgal lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay howlgalo lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-shabaab oo saacadihii lasoo dhaafay ciidanka xoogga iyo kuwa Jubbaland ay ka fuliyeen degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa uu boggaadiyay howlgalka oo lagu dilay in ka badan 10-xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab, howlgalkaasi oo ka dhacay gelinkii hore ee saakay deegaanka Turdho iyo deegaanada ku xeeran wabiga jinkiisa Jubbada Hoose.

Waxa uu sheeay Madaxweynaha in Jubbaland ka socdo howlgalo la doonayo in Al-Shabaab, halkaasi looga saaro, waxa uuna xusay in dhawaan rejo ka qabaan in Al-Shabaab laga saaro goobo badan ay joogaan, waa sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo safar ku joogay maalmihii lasoo dhaafay Kismaayo ayaa sheegay in safarkiisa u ahaa mid guuleed, sida uu tilmaamay, waxa uuna u mahad celiyay Madaxda Jubbaland iyo shacabka kunool deegaannada maamulkaasi.

Si kastaba hadalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa uu yimid, kadib markii shalay howlgalo qorsheysan ay si wada jir u fuliyeen Ciidanka Nabad-sugidda Jubbaland iyo Ciidanka kumaandooska DANAB, gaar ahaan urur 5-aad.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor