Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu magaalladda Johannesburg ee dalka K/Afrika kula kulmay Ku-xigeenka Xogahayaha Guud ee QM, Jan Eliasson.
Madaxweynaha iyo Mas’uulkaasi waxay ka wada hadleen xaalladda guud ee Somalia, gaar ahaan dhinacyadda Siyaasadda, Amniga iyo Xaalladda Aadminimo.
Waxa uu Madaxweynaha uga mahadceliyey QM taageeradda joogtadda ee ay siiyaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan daadaalladda lagu soo celinayo Haykalka Dowladnimo iyo soo-celinta Nabadda.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa la filayaa inuu la kulmo Hoggaamiyeyaasha dalalka ay ciidammadooda ka joogaan Soomaaliya ee qeybta ka ah AMISOM.
Dhinaca kale, Shirka Madaxda ee Afrika ayaa waxa uu maanta galay maalintiisa Labaad, waxayna hoggaamiyayaasha ka wada hadli doonaan Ajendayaasha ay ka midka yihiin:- Hiigsiga 2063 ee horumarinta haweenka Afrika, Nabadgelyada, La-dagaalanka Alshabaab iyo Boko Haram,iskaashiga dhaqaalaha , maalgashiga iyo horumarinta adeegyada bulshada ee qaaradda Afrika.
© Warqabadka Dalsan Radio