Madaxweyne Guudlaawe oo Maanta safar ku tagay degaano laga saaray Al-shabaab

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa booqday deegaannada Mabaax iyo Ceel qooxle oo dhowaan laga xureeyay dagaalamayaasha Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa kormeeray deegaanadaan oo ay muddo ku sugnaayeen Al-shabaab, isagoo halkaas kula hadlay boqolaal ciidamada dib u xureynta deegaanka ah ee dagaalka ku jira Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay guulaha ay ciidamada dib u xueynta ka soo hoyern dagaalada lagula jiro Al-shabaab,  waxa uuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay u midoobaan dagaalka ka dhanka Shabaabka ee ka socda Maamulkiisa.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa maalmihii lasoo dhaafay booqanayay deegaano ka tirsan Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee laga saaray Al-shabaabkii ku sugnaa.

About Webmaster

View all posts by Webmaster
%d bloggers like this: