Madaxweyne Guudlaawe oo kulan la yeeshay wafdi ka socday Dowladda

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA).

Wafdiga SoDMA ayaa kuurgalaya xaaladihii horay uga dhashay Elnino taas oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada deeganada Hirshabeelle.

“Waxaan ku faraxsanahay inaad halkan noogu timideen waxa ay na tuseysaa sida ay idin kaga go’an tahay wax ka qabashada xaaladdaha bini’aadanimo ee ka dhashay Elnino, runtii aad ayay u saameysan nolosha dad badan.”

Wafdiga SoDMA waxaa hoggaaminayay Maxamuud Macallin Cabdulle waxana uu sheegay mudada ay joogaan xarunta Hirshabeelle inay qaban doonaan shaqooyin kala duwan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor