Madaxweynaha Maamulka Puntland, C/weli Maxamed Cali “Gaas” oo haatan ku sugan Muqdisho ayaa ka shanqariyey in loo baahan yahay in Isbedel la sameeyo afarta sanno ee soo socoto.
Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la helo Dowlad u shaqeyn karta Dadka iyo Dalka Hooyo tan iyo inta laga gaarayo Doorashadda 2020-kii.
Hadalka Madaxweyne Gaas ayaa ku soo beegmay, iyadoo la filayo in Madaxda Madasha Wada-tashiga gelinka dambe ee maanta Shir uga furmo magaalladda Muqdisho, kaasi oo socon doona muddo 2-maalmood.
Ajendayaasha looga hadli doona Kulankaasi ayaa ugu muhiimsan Dhamaystirka Doorashooyinka, Tebashadda Maamulka Puntland ee saamiga Beelaha Waqooyi ee Labada Aqal ee Barlamaanka iyo qoddobadda kale ee Farsamo ee la xiriira Go’aanadda Guddiyadda Doorashada
©Radio Dalsan