Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay inay wada-hadal kula jiraan Shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka Carabta, si loogu wareejiyo Maamulka Dekedda magaalladda Bosaaso.
Wargeyska Bloomberg ee ka soo baxa Maraykanka ayaa qoray inay Maamulka Puntland laga yaabo inay Heshiis Khaas ah la galaan Shirkadda DP World Limited si ay u horumariso Dekedda Bosaaso.
Madaxweyne Gaas oo Isbuucii hore booqday magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka, ayaa Xogtaasi kaga dhawaaqay Wareysi lala yeeshay bishan March 21-dii isagoo ku sugan caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba, oo uu ku joogay Booqasho aan Rasmi ahayn.
Afhayeenka Shirkadda DP World waxa uu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo arrintaasi, balse waxa uu sheegay inay Shirkadda sii wado Fursadaha ay ka helayaan gudaha Qaaradda Afrika.
Maamulka Puntland oo la asaasay sannadkii 1998-dii, waxay maamulaan Goballadda W/bari ee Somalia, waana Maamul-gobaleed isku arka inay la heer yihiin Dowladda Federalka Somalia oo ay Maamul-gobaaleedyadda hoos tagaan.
Si kastaba ha ahaatee, Shirkadda DP World iyo Shirkadaha kale ee Imaaraadka waxay kordhiyeen Galaangalka ay kula wareegayaan Dekedaha Somalia, iyagoo dareensan inay Fursad Ilo Dhaqaale u tahay Maamulka Dekeddaha Berbera iyo Bosaaso iyo kuwo kale ee laga yaabo inay Shirkadda la galaan Heshiis ay ku maamulaan Dekedaha.
Xigasho:Â Bloomberg
©Radio Dalsan