Jaalliyadda Soomaalida ku nool Yemen oo eedeeysay Isbahaysiga Milliteri ee Sacuudiga.

Qaar ka mid ah Jaalliyadda oo la hadlay Wakaalladda Wararka Yemen ee SABA ee ay Maleeshiyadda Xuutiyiinta maamulaan ayaa tilmaamay in bishan 17-da duqeyn lala beegsaday dooni ay la socdeen Qaxooti Somali, iyadoo  lagu dilay 42 Qaxooti, laguna dhaawacay 120-kale.

Qaxootiga lagu weeraray  Doonida waxay ku safrayeen Gacan-biyoodka Baal al-mandab, iyagoo ku sii jeeday dalka Sudan.

Wararka ayaa sheegaya inay dhimashadaasi ka dhalatay natiijadda Duqeyn Toos ah  oo ay qaaday Diyaarad Helikopter oo nooceedu ahaa APACHE oo ay leeyihiin Isbahaysiga Milliteriga ee uu Sacuudiga hoggaamiyo ee dagaalka kula jira Maleshiyadda Xuutiyiinta ee ay Dowladda Iiraan taageerto.

Dhinaca kale, Soomaalida ku nool Yemen waxay ka codsanayaan Beesha Caalamka inay baaraan duqeyntaasi, isla markaana dadkii ka dambeeyey lagu soo oogaa inay galeen Dembiyo-dagaal.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media