Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne oo uu ku aqbalay Xilka ka qaadistii Golaha wasiirada ay ku sameeyeen Hanti dhowraha Qaranka Dr Nuur Faarax Jimcaale.
Madaxweyne Farmaajo ayaa si rasmi ah xilka uga qaaday Hanti dhowrihii Qaranka,oo ilaaladiisa ay ku eedeysanyihiin dilka Wasiirkii Howlaha Guud.
inkastoo Hanti dhowraha uu ka horyimid Xilkii ka qaadistii xalay ayaa hadda madaxweynaha Soomaaliya waxa uu soo saaray wareegto xilka qaadis, taasi oo gaba-gabeysay go,aanka xilka ka qaadista Hanti dhowraha.