Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta u dhoofay Magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa qeyb ka ahaa xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlada Soomaaliya.
Warar aan heleyno ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo markii uu gaaro Magaalada Kampala uu kula kulmi doono dhiggiisa Uganda Yuweri Museveni.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dalka Uganda kaga qeyb galaya Shir ay ka soo qeyb geli doonaan Madax ka socota dalalka Afrika.