Madaxweyne Maxamed C/llahi Farmaajo oo haatan booqasho rasmi ah ku jooga Turkiga ayaa ka mahad celiyey Taageeradda Dowladda Turkiga ee dib-u-dhiska Somalia.
Waxa uu sheegay inay Turkiga taageero muhiim ah ka geystaan Yabooha la siinayo Somalia, gaar haan Hawlaha Dib-u-dhiska Somalia.
“Somalia waa sii wadi doontaa inay indhaha ku hayaan Taageeradda xiriirkaasi†ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo  oo intaasi ku daray inuu Kulan miro-dhal noqday la yeeshay Madaxweyne Erdogan
Mar uu ka hadlayey natiijadda kulankooda waxa uu sheegay inay kala saxiixdeen dhowr heshiis oo kala duwan, sida Horumarinta iyo Is-dhaafsiga Dhaqank.
Waxa kale oo uu soo hadal-qaaday Isbahaysiga Ganacsiga ee labada waddan oo uu sheegay inuu si dhaqso leh u korayo., gar ahaan Xiriirka Ganacsiga iyo Wareegyadda Hawlaha Ganacsiga.
Dhinaca kale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu maanta shir-guddoomin doonaa Shirweyne looga hadlayo Ganacsiga Turkiga iyo dalalka Afrika oo lagu qaban doono Caasimadda Turkiga ee Ankara.
©Radio Dalsan