Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa la filayaa saacadaha soo socda inuu gaaro magaalada Baydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed.
Ilo ku dhow madaxtooyada ayaa Radio Dalsan u sheegay inuu madaxweynaha goor dhow uu tagi doono Baydhabo, si uu u qiimeeyo xaalada abaaraha ka jira deegaanada maamulkaas, iyadoo aad loo adkeeyey amaanka magaalada qorshuhuna uu yahay in waxyar kadib madaxweynuhu gaaro.