Wasiirka wasaaradda Waxbarashada ee xukuumada Cabdiraxmaan Daahir Cismaan ayaa sheegay in Imtixaanka Shihaadiga ah ee dugsiyada Sare uu si rasmi ah u bilaaban doono 20 -bisha soo socota ee May.
Wasiir Cabdiraxmaan ayaa tilmaamay in sanadkaan Imtixaanaadku ay fadhiisan doonaan arday dhan 23- kun oo ku kala sugan 10 Gobol oo ka kala tirsan gobolka Banaadir, maamulada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo Jubbaland.
Waa sandkii Seddexaad oo ay dowladda dhexe ee federaalka qaado mudo kadib Imtixaanaadka dugsiyada sare ee dalka.
Halkaan hoose ka dhageyso Codka.