Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta ku wajahan Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya.
Ujeedka Madaxweyne Farmaajo ee dalka Kenya ayaa waxaa uu yahay sidii uga qeyb geli lahaa Shirka caalamiga ah ee ICPD, kaas oo ka furmi doona todobaadkan gudihiisa Magaalada Nairobi.
Sidoo kale Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin Kenya waxaa ay kulamo gaar gaar ah ay la yeelan doonaan Madaxda ka qeyb galeysa Shirka ICPD.
Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu kulan gaar ah la yeelan doono dhiggiisa Kenya ee Uhuru Kenyatta.
Qabanqaabada lagu soo dhaweeynayo Madaxweyne Farmaajo ayaa haatan ka socota Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya, waxaana la filayaa in Madaxweynaha iyo wafdigiisa saacadaha soo socda ay gaaraan halkaas.