Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa  hambalyo ku aaddan dhalashada bisha barakaysan ee Ramadaan u diray Muslimiinta oo dhan, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay  in la iscafiyo oo la isku naxariisto islamarkaana la is caawiyo.
Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sidoo kale ugu baaqay  kuwa wax haysta in ay afuriyaan bishan barakeysan ee Ramadaan kuwa kale ee aan waxbo haysan.