Dhageyso:-Ciidamada xasilinta oo Caawa heegan la geliyey  xilli la galay Bisha Ramadaan

Taliyaasha Xooga,Booliska iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Galinkii dambe ee Arbacadii Maanta waxa ay ka shireyn Amaanka Caasimada Muqdisho,iyo sidii laamaha amaanka iyo Maamulada Gobolka iyo Degmooyinka u wada shaqeyn lahaayeen.

Intii uu kulanka socday ayaa Taliyaha Xooga Dalka Jeneral C/wali Jaamac Gorod ayaa sheegay in ay heegan galiyeen Ciidanka Xasilinta ee loo diyaariyay Sugida Amaanka Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxaa uu sheegay taliye Gorod in Mas’uuliyada Amniga ay saaran tahay Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Amniga iyaguna ay kala shaqeyn doonaan.

Taliyaha ayaa soo hadal qaaday qorshooda la xiriira ka hortaga isbarbaryaaca Ciidamada,waxaana uu sheegay in Ciidanka loo diyaariyay Sugida amniga oo kaliya ay magaalada ka shaqeyn doonaan.

Dhawaan ayey aheed markii Xarunta Xisbiga lagu soo bandhigay Sedex guuto oo la sheegay in loo diyaariyay sugida ammaanka Muqdisho,gaar ahaan bishan barakeysan ee Ramadaan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyha Ciidanka xoogga dalka Gen,Gorod.

Z0000060

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor