Waxaa Maalinta Berri ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 23-ka Bisha Octoober lagu wadaa inuu shirweynihii ugu horeeyay ee Madaxweynaha Ruusha la yeesho dhiggiisa dalalka Afrika,kaasi oo ka daah furmi doona Magaalada loo dalxiiska tago ee Sochi kuna taalla Koonfurta Raashiya isla markaana kaabiga ku haysa Badda madow.
Kaaliyaha Aqalka Keremilinka ee looga taliyo Raashiya Dmitry Sergeyevich oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu soo Bandhigay liiska Madaxweyneyaasha dalalka Afrikan ah ee kulamada khaaska ah la yeelan doona Madaxweyne Vladimir Putin inta uu socdo Shirka Raashiya iyo Afrika.
Kulamadaas ayaa barbar socon doona Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha ee labada maalmood ka socon doona Magaalada loo dalxiiska tago ee Sochi ee ku taalla Raashiya.
Liiska Hogaamiyeyaasha dalalka Afrika ee sii qorsheeyay inay la kulamo Khaas ah la yeeshaan Madaxweyne Vladimir Putin ayaa kala ah:-
1-Madaxweynaha dalka Masar Cabdifitaax Al-sisi , ahna Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika ee Sanadkan.
2-Madaxweynaha dalka namibia Hage Gottfried Geingob.
3-Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed.
4-Madaxweynaha dalka Afrikada Dhexe Archange Touadéra.
5- Madaxweynaha Koongada Dimuqraadiga Félix Tshisekedi.
6-Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni.
7-Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari.
8-Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa.
Dhinaca kale waxaa la shaaciyay in Madaxweyne Vladimir Putin uusan kulan khaas ah la qaadan doonin Madaxweynayaasha Somalia, Djibouti, Kenya iyo kuwo kale.
Sidoo kale Madaxweynaha Vladimir Putin ayaa waxaa uu berri kulan Quraac ah la qaadan doonaa Madaxweyneyaasha dalalka Afrika ,waxaana Munaasabadda furitaanka Shiweynaha ay dhici maalinta berri ah.
Kulankaan uu noqonayo kii 1-aad ee dhex maraya hogaamiyaasha Africa iyo Madaxweynaha Raashiya waxaana lagu casuumay in ka badan 50 hogaamiyaal Afrikaan ah.
Shirkaan waxaa si wadajir ah u guddoominaya Madaxweynaha Raashiya Valadamir Putin iyo Madaxweynaha dalka Masar oo ah Guddomiyaha Ururka Midowga Africa ee sanadkaan,Waxaana Raashiya ay qorshaynaysaa sidii ay xiriir wanagsan ula yeelan laheyd dalalka Africa.