Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaran Dr Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa xeer-ilaaliye u gaar ah u magacaabay Saxaafadda si baaris loogu sameeyo, gacantana loogu soo dhigo kuwii soo abaabulay, qorsheeyay iyo kuwii fuliyay dilalka iyo waxyeelaynta ka dhanka ah Suxufiyiinta.
War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Qaranka ayaa waxaa Shacabka Soomaaliyeed loogu baaqay in qof kasta oo haaya xog la xiriirta dilal loo gesyaty Weriyaasha inuu kusoo wargeliyo Xafiiska xeer-ilaalinta.
“Ayadoo la raacayo Xeerka Soomaaliyeed iyo Xeerarka Caalamiga ah, Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaran, wuxuu xaqiijinayaan in si adeg loo dhowri doono tallaabooyinka, hanaanka Caddeymaha iyo marag furka la xiriirsan kiisaska dialka iyo waxyeelada kale ee loo geysto Suxufiyiinta” ayaa lagu yiri Qoraalka.
Ugu dambeyn War-saxaafadeedka kasoo baxay Xeer-ilaaliyaha Qaran ayaa waxaa lagu sheegay in cadaalada la horkeeni doono kuwii ka dambeeyay dialka iyo waxyeeleynta ka dhan ah Wariyeyaasha.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka lasoo saaray.