Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Dayib Erdogan iyo Wafdi ballaaran oo Ganacsato ah ayaa maanta u bilaabantay booqasho ay ku soo kala bixiyaan dalalka Tanzania, Mosambiik iyo Madagaskar.
Madaxweynuhu waxa lagu wadaa inuu Kulamo la qaato Madaxda dalalkaasi oo uu kala hadlayo dhinacyadda Ammaanka, Ganacsiga, Cabsida dhinaca Ammaanka iyo sidii loo xiri lahaa Xarumaha W/barasho ee uu maalgaliyo Fatxullaahi Gulen oo lagu eedeeyo inuu ka dambeeyey Afgembigii Fashilmay ee ka dhacay Turkiga bartamihii bise sannadkii hore.
Madaxweynaha Turkiga waxa uu maanta booqasho ku tegay dalka Tanzania, isaoo kulamo la leh Madaxda dalkaasi.
Madaxweyne Erdogan iyo dhigiisa dalka Tanzania, John Magufuli ayaa kulan ku yeeshay caasimadda dalkaasi ee Dar es salaam, waxaana la filayaa Labada Madaxweyne inay kala saaxiixdaan 7 Heshiis ee dhinaca Iskaashiga Labada Waddan.
Madaxweyne Erdogan waxa kale oo Madaxda Tanzania ku qancin doonaa in la xiro Dugsiyadda uu maalgeliyo Fatxullaahi Gulen oo ah Hoggaamiyihii ka dambeeyey Afgembigii Fashilmay ee bartamihii sannadkii hore ka dhacay Turkiga.
Waddanka Tanzania waxaa ku yaalla 11 Dugsi oo uu maalgeliyo Hay’adda Fatxullahi Gulen, waxaana Dugsiyadaasi dhigta arday tiradoodu dhan tahay 3,000 oo kala bar ah Arday Muslimiin ah.
Bishan Janaayo 9-dii, waxa uu Madaxweyne Erdogan sheegay in Hay’adda Fatxullahi Gulen haatan maamulaan Dugsiyo ku yaalla 115-Waddan, inkastoo 6 dal oo Afrikaan oo ay Somalia ka mid tahay Maamulka Dugsiydaasi ku wareejiyeen Dowladda Turkiga.
©Rado Dalsan