Madaxweyne Donald Trump oo la hadlay dhigiisa Raashiya, xilli uu Hoggaamiyayaal kalena la madalsan yahay.

Madaxweynaha cusub ee Maraykanak waxa uu Khadka Telefoonka kula xiriiray Valadamir Putin oo ay ka wada hadleen Xiriirka Labadooda Waddan, Xaaladda dalka Syria iyo Dagaalka Kooxda Daacish.

Waa markii ugu horreysay ee Ganacsadaha reer New York la hadlo Putin, tan iyo markii uu Xafiiska Aqalka Cad la wareegay, waxayna wada hadlayeen muddo hal saac ah.

Aqalka Cad ama Aqalka Keremiliinka ee looga taliyo Raashiya midna ma sheegin inay Hoggaamiyayaasha ka wada hadleen sidii Raashiya looga qaadi lahaa Cunaqabataynta saaran.

Donald Trump waxa kale oo uu Khadka Telefoonka kula hadlay dhigiisa dalka Faransiiska iyo Ra’isul-wasaarayaasha dalalka Jarmalka, Japan iyo Australia.

Dhinaca kale, Donald Trump waxa uu maanta la hadli doonaa Hoggaamiyayaasha dalalka Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Koonfurta Kuurya.

©Radio Dalsan

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media