Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa maanta salaadda Ciidul Addxaaga Dadweynaha kula tukaday Masaajidka Xaaji Cali Biixi ee Gaalkacyo.
Deni iyo Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa dadweynaha kula tukaday saaladda Ciidda, waxaana Madaxweynuhu uu guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dadweynaha Puntland ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciida,
wuxuuna bulshada ugu baaqay ka shaqeynta illaalinta Nabadda, midnimada iyo horumarka.
Degaanada Maamulka Puntland ayaa maalinta Koowaad ee Ciidul Adxaaga si weyn looga dareemay, bulshada kala duwan eek u dhaqan degaanadaas ayaa la arkaayay iyagoo u dabbaal dagaya farxadda Ciidda.