Madaxweyne Deni oo Magacaabay Garsoorka Maxkamadda Sare ee Puntland

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 75 ee 26-ka Oktoober 2022 kuna saabsan Magacaabida Maxkamadda Sare ee Dowlad Goboleedka Puntland.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland:

Markuu  arkey: Qodobka  80-aad   farqadda 18-aad, ee Dastuurka Dowlad Goboleedka Puntland, kuna saabsan Awoodaha iyo Masuuliyadda Madaxweynaha, ee magacaabida Garsoorayaasha Madaxkamadda Sare.

Markuu arkey: Qodobka 90-aad farqadaha 1 iyo 2 ee Dastuurka Dowlad Goboleedka Puntland Puntland, kuna saabsan xubnaha Maxkamadda Sare.

Markuu arkey:  Qodobka 91-aad ee Dastuurka Puntland, kuna saabsan shuruudaha lagu noqon karo Garsoore Maxkamadda Sare.

Marku la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland

Waxuu xeeriyey

Qodobka  1-aad

Waxaa Mudanayaasha hoos ku xussan loo magacaabey Garsoorayal Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland, mudda xileed 5 sana ah, sida uu qeexayo qod. 90-aad farqadda 3, ee Dastuurka Puntland.

1- Xassan Yuusuf Nuur                                Guddoomiye

2- Axmed Sheikh Cumar Xassan               Guddoomiye Ku-xigeen.

3- Saciid Axmed Faarax                                Garsoore.

4- Maxamuud Cawad Cumar                      Garsoore.

5- Saciid Maxamuud Maxamed               Garsoore.

6- Maxamed Cabdirisaaq Aw Cilmi           Garsoore Kayd ah  .

7-  Aadan  Axmed Moxamed                         Garsoore Kayd ah

Qodobka 2-aad

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor