Cali Guudlaawe iyo Qoorqoor oo Magacaabay Wasiiro Cusub

Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa maanta magacaabay Wasiiro Cusub, iyadoo Xil ka qaadis lagu sameeyay Wasiiro ka kala tirsanaa Labada Maamul Goboleedka.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug u magacaabay Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe), kaasi oo noqonaya Wasiirka Cusub ee Maamulkaasi.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa dhankiisa Magacaabay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dowladda Hirahabeelle, waxaana Xilkaasi uu u magacaabay Dr Maxamed Cabdiraxmaan Khaliif.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor