Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay Qaraxii Maanta ka dhacay Magaalada Jowhar

Madaxweynaha Dowlad gobolleedka  Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, ayaa cambaareeyay qaraxii maanta ee Alshabaab ku weerareen Magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe sidoo kalana ah caasimadda Hirshabeelle.

Madaxwaynaha Galmudug ayaa xusay in uu xanuunka iyo tiiraanyada la wadaagayo Madaxwenaha dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo shacabkaba, isagoona inta ku dhimatay Eebbe uga baryay in uu janadii Fardowza ka waraabiyo, inta dhaawacantayna u booga dhayo.

Dhanka kale Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye, ayaa carrabka ku adkeeyay in meel looga soo wada jeesto  Al-shabaab, sidoo kalana dagaal saf ballaaran ah lagu qaado, waa sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Qoorqoor.

Barqadii manta ayeey ahayd markii qarax is-miidaamin ah uu ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimada maamulka Hirshabeelle gaar ahaan hotelka Nuur doob, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac, iyadoo ay mas’uuliyada qaraxaas ay sheegteen Al-shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor