Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ayaa waxaa weli ku sugan Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Qin Jian oo dhawaan halkaas gaaray, si uu kulan ula qaato Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Ilo dhinaca diblomaasiyadda ayaa weriyay in Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya uu doonayo in Madaxweynaha Somaliland kala hadlo xiriirka Cusub ee u dhexeeya Maamulkaas iyo Dalka Taiwan.
Safiir Qin Jian oo saddex maalmood ku sugan Hargeysa ayaa waxaa kulan gaar ah la qaatay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Liibaan yuusuf Gaaxnuug, xili uu halkaas ka maqan yahay Wasiir Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon.
Weli lama oga sababta keentay in Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya uu la kulmi waayo Madaxweyne Muuse Cabdi Biixi, hayeeshee warar la helayo ayaa sheegaya in Biixi uu ka war helay in Safiirka Shiinaha uu doonanayo inuu hordhigo dalab ah in Somaliland ka baxdo xiriirka ay la leedahay Taiwan.
Si kastaba Shiinaha ayaa si weyn uga soo horjeesatay heshiisyo kala duwan oo ay horey u wada galeen Somaliland iyo Taiwan, isla markaana heshiiskaas uu gaaray heer labada dhinac ay wakiilo is weydaarsadaan.