Cabsi xoogan oo laga qabo in Webiga Shabeelle uu ku fataho waddo muhiim ah

Wararka aan ka  heleyno Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya saacadihii lasoo dhaafay ay soo korotay cabsi laga qabo in fatahaadda wabiga Shabeelle uu Go’doomiyo isku socodka wadada isku xirta Magaalooyinka Jowhar iyo Muqdisho.

Arrintaa ayaa loo sababaneynayaan, kaddib markii biyaha wabiga Shabeelle ay si xowli ah usocdaan iyo sidoo kale roobka maalmahaan ka da’ayay deegaano dhowr ah oo ka tirsan Shabeellaha Hoose.

Bulshada ku dhaqan halkaas ayaa aad u hadal-heysa sida xaalku noqonayo mar hadii fatahaaddu ay soo gaarsto wadada hal bowlaha u ah isku socoda Jowhar iyo Muqdisho,  biyaha wabigana ay si howli u socdaan .

Fatahaadda Wabiga Shabeelle ayaa hore ugooyay isku socodka Maalooyinka Mahadaay iyo Jowhar oo hada dadka deegaanadaasi ay ku adagtahay inay isaga kala gooshaan.

Dhinaca kale Maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe, kan Degmada Jowhar, madaxda Hirshabeelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxa ay ka digayeen fatahaad uu wabiga Shabeelle ka geysto wadada isku xirta Jowhar iyo muqdisho maadaama uu hada uu kawado deegaanno ka kdhaw Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media